Sawirro: Masar oo Muqdisho ka bilawday duulimaad toos ah

12 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Badr Abdelatty iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta safar ku yimid Muqdisho, isagoo la socday duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypt Air oo bilawday duulimaad toos ah.

Munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air oo ka mid noqon doonta duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada garoonka diyaaraddaha ee Aden Adde oo ka dhacday garoonka ayay si wadajir ah xarigga uga jareen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ay wehliyeen Wasiirada Gaadiidka labada dal.

Arrintan ayaa waxay astaan kale u noqoneysaa ahmiyadda Masar u leedahay Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal, kaddib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

About The Author