Dagaal ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

13 July 2024 (Puntlandes.com) Is rasaaseyn xoogan ayaa ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, is rasaaseynta ayaa timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen hub iyo bambooyin si qarsoodi ah loogu geeyay, waxaana ay la dagaalameen ilaalada xabsiga.

Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay shaqaaqada ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxaana la soo warrinayaa in xaaladda ay hadda tahay mid degan.

About The Author