Ciidanka Asluubta oo soo gabagabeyay howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

13 July 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeyay howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan.

Taliska Asluubta ayaa soo bandhigay meydadka raggii isku dayey inay khal-khal geliyaan amniga Xabsiga, waxaana la sheegay in markii horaba ay ragaasi ahaayeen Khawaarij ku xukuman dil toogasho ah.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa goordhow faahfaahin dhameystiran ka soo saari doona sida ragaasi ay ku heleen hubka ay ku dagaalameen.

About The Author