Madaxweynihii hore Mareykanka Donald Trump oo la dhaawacay

14 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa toogasho lagu dhaawacay xili uu ku jiray olalihiisa Doorashada uu ka waday State-ka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Trump ayaa Dhaawaca kasoo gaaray dhagta iyadoo aan si dhab ah wali loo xaqiijin karin inta uu le’eg yahay dhaawiciisu xili goobta lagala cararay.

Xabado badan ayaa halmar la maqlay isagoo Trump u Khudbaynaya boqolaal taageerayaashiisa ah intaas kadib waxaa la arkay Trump oo dhulka ku dhacay sida ka muuqata Muuqaalo toos ah oo ay Warbaahintu baahisay.

About The Author