Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia oo sheegay inay sanadkaan Puntland u qoondeeyeen $120 milyan

14 July 2024 (Puntlandes.com) Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia ee UNSOM ayaa sheegay inay sanadkaan Puntland u qoondeeyeen $120 milyan, taas oo loogu talagalay hawlaha bani’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta.

“Sanadkan, miisaaniyad $120 milyan ah ayaa loo qoondeeyey hawlaha bani’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta kuwaas oo ay hoggaaminayaan 14 hay’adood, sanaadiiq iyo barnaamijyo kuwa QM ah oo ka hawlgala magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Puntland.” ayaa lagu yiri warbixin dheer oo lagu daabacay barta xafiiska UNSOM.

Balanqaadkaan Qaramada Midoobey u samaysay Puntland ayaa yimid kadib kulan ay Garowe ku yeesheen Madaxda Puntland iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Halkaan ka akhriso warbixin dheer oo Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia ee UNSOM ka soo saaray kulankii madaxweyne Deni iyo Ergayga Swan

Puntlandes.com

About The Author