Sawirro: Ciidanka Booliska Qaybta G Mudug oo kaashanaya Booliska DDS oo gacanta kusoo dhigay 2 nin oo Dhac ka gaystay Gaalkacyo dhinaca Galmudug

14 July 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya ciidanka Booliska DDS ee dagmada Bookh ayaa gacanta ku soo dhigay 2 nin oo ku eedaysan inay Dhac lacageed ka gaysteen maagalada Gaalkacyo gaar ahaana dhinaca Galmudug.

Saraakiisha DDS ayaa labadaan eedaysane oo lagu hayay dagmada Bookh ee gobolka Doollo ku wareejiyay Taliyaha Saldhiga Warshadda Galayda ee Magaalada Gaalkacyo Samatar Owkax iyo Dambi baare Ibraahim Aadan Jaamac (Kaaniyaa).

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay maamulada Puntland iyo Dowlada deegaanka soomaalida isku wareejiyan eedaysanayaal dambiyo ka soo galay labada Maamul, waxayna leeyihiin wadashaqayn aad u fiicin iyo iskaashi.

About The Author