Sawirro: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda & Arrimaha Gudaha

14 July 2024 (Puntlandes.com) Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa saaka soo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Maamulka SSC-Khaatumo, isagoona u kuurgalay habsami u socodka shaqada Wasaaradaha.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan horumarada ay sameynayeen labadaan wasaradood ka dhagaystay Wasiirada iyo hawlwadeenada.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey sida hufan ee shaqalaaha Wasaaraduhu ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, sida ay u ilaalinayaan wakhtiga shaqada iyo soo dhawaynta sare ee ay ku qaabilayaan shacabka u soo adeeg doontay.

Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada iyo hawlwadeenada Wasaaradaha in ay Masuuliyadda ay hayaan Ilaahay uga cabsadaan, sidoo kale sharciga iyo Axdiga SSC-Khaatumo ilaaliyaan, si daacadnimo ku jirto oo ka madhan musuq iyo takrifal awoodeedna ugu adeegaan shacabka SSC-Khaatumo.

About The Author