Sawirro: Qaarkamida Dhalinyarada & Haldoorka Gobolka Mudug oo qado sharaf usameeyay Nuradin Aden Diriye

14 July 2024 (Puntlandes.com) Qaarkamida Dhalinyarada iyo Haldoorka Gobolka Mudug ayaa kulan qado sharaf ah Beerta bilan ugu sameeyay Nuradin Aden Diriye oo ah aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed iyo wafdi la socday.

Siyaasi Nuradin Aden Diiriye ayaa Gaalkacyo dhawaan kaga qaybgalay madal dad-weyne oo furan oo lagu qorfaynayey Nabadeynta Gobolka Mudug oo ay qabatay Xarunta CES-Somalia.

Nuradin ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, Puntland, Qaramada Midoobay iyo Haya´adaha ka hawlgala Soomaaliya, sidoo kale wuxuu noqday musharax madaxweyne Puntland 2009kii.

About The Author