Caabudwaaq iska hor imaad uu sababay Hub ay DFS Itoobiya kala soo degtay

15 July 2024 (Puntlandes.com) Wararka laga helayo Caabudwaaq ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya iska horimaadkii ay dadka deegaanku ku horjoogsadeen labo baabuurta xamuulka ah oo siday Hub iyo rasaas deegaanka Shilamadow oo kudhaw Caabudwaaq.

Dagaal xoogan ayaa dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamo NISA ah, oo doonayay in ay galbiyaan labada baabuur oo ka yimi dhinaca Itoobiya, oo ay dadka deegaanka hor joogsadeen.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay iska horimaadkan, dadka deegaankana ay ku guuleysteen in hubkii saarnaa la dagaan.

About The Author