Muuqaal: Ugaas Maxamed oo kahadlayay dhacdadii Shiilamadow uguna baaqay shacabka waqooyiga Galgaduud

15 July 2024 (Puntlandes.com) Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ka hadlayay dhacdadii maanta ka dhacay deegaanka Shiilamadow, ee hoosyimaada magaalada Caabudwaaq, halkaas oo ay ciidamada DFS ku weerareen dadka deegaanka oo horjoogsaday hub kayimi dhinaca Itoobiya, ayaa sheegay in xadgudub iyo dil bareer ah loo geystay shacabka, wuxuuna wadatashi deg deg ah iskugu yeeray beesha deegaanadaas.

Ugaaska ayaa si si cad u sheegay in Ciidanka dowladda DFS iyo kuwa Galmudug ay ku kaceen falal xadgudub ah, ayna geysteen dil bareer ah oo shacabka loo geystay, wuxuuna sheegay in aysan wax dhaq dhaqaaq ah ka samayn karin degmada illaa laga helayo cidda qaadanaysa masuuliyadda dhacdadii maantay ka dhacday Shiilamadow, Haddii aan taas la sameyn ayuu sheegay, wixii ka dhashay ay masuuliyadooda qaadayaan madaxda dawladda Faderaalka & kuwa Galmudug.

Ciidamada Nabadsugida DF ee kusugan Galmudug, ayaa ku dagaalamay labo baabuur oo hub kasoo qaaday gudaha Itoobiya, kuwaas oo ay horjoogsadeen dadka deegaanka Shilamadow, sababtayna ugu dambeyntii in hubkaas uu galo gacanta dadweynaha.

About The Author