Maamulka Xasan Sheekh oo sheegay in Hubkii ay galbinayeen uu ahaa Hub ay ka qabteen Koox sifo sharcidaro….jidgooyana..

16 July 2024 (Puntlandes.com) Maamulka Xasan Sheekh ayaa warmurtiyeed uu ka soo saaray Hubkii shalay ay shacabla magaalada Caabudwaaq kala wareegeen Ciidan NISA ku sheegay inay Hubkaas uu ahaa Hub ay ka qabteen Koox sifo sharcidaro ah dalka ku soo gelinayey.

Waxayna ku eedeeyeen inay jidgooyo udhigteen Hubkaas maleeshiyaad hubaysan, iyagoo marin habaabin ku samaynaya wixii shalay dhacay iyo cida Hubku u socday.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka farayo in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

About The Author