Sawirro: Hogaanka Ilaalada Canshuuraha Ciidamada Booliska Dawladda Puntland oo kormeeray kutagay Kastamyada Cabshuuraha Xarfo & Bacaadweyn ee Gobalka Mudug

16 July 2024 (Puntlandes.com) Hogaanka Ilaalada Canshuuraha Ciidamada Booliska Dawladda Puntland Col Cabdiwaaxid Cabdille Warsame ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamyada Cabshuuraha Degmada Xarfo iyo Deegaanka Bacaadweyn ee Gobalka Mudug.

Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa ka war-qabka xaaladda ciidamadda ilaaladda cashuuraha iyo sidii loo dardargelin lahaa qaadista cashuuraha ku waajibay muwaadiniinta.

Taliyaha ayaa ugu horeyn la kulmay Saraakiisha ciidamada ilaalada cashuuraha waxa uu u jeediyay dardaaran la xariira sidii shaqada dalka loo hayo loo xoojin lahaa.

About The Author