Xil C C/shakur “In aadan dhabta wajahin..waxay dhashaa..In aad kalsoonidii bulshada lumiso…”

16 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu uga falceliyey Waraaqdii ay soo saartay DFS ee ay uga hadashay Hubkii ay shacabka Caabudwaaq furteen oo Dawladdu galbinaysay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu dhabta iyo xaqiiqada uu iska indho tirayo madaxweyne xasan Sheekh, taasna ay keentay in shacabku lumiyaan kalsoonidii shacabka.

Hoos ka akhriso qoraalka:

In aadan dhabta wajahin, xaqiiqadana iska indhotirto, waaqaca ismoogaysiiso waxay dhashaa cawaaqib xumi natiijadiisu tahay;

1. In mushkiladaha ku horyaal xallin wayso, xaaladduna ka sii darto.

2. In aad kalsoonidii bulshada lumiso, dadku ka aamin-baxo kartida aad u leedahay xalinta mushkiladaha iyo caqabadaha ku horyaala.

3. In aad lumiso fursado badan, dayacdana talooyinka lagu xal lagu gaari kari lahaa.

4. In uu xumaado xiriirka kaala dhexeeya, saaxibadaa, dadwaynaha iyo saamilayda kale ee siyaasada.

5. In ay kaa niyad jabaan dadka kula shaqeeya, kuwa ku taageera ama kaa soo horjeeda , kana shakiyaan in go’aannadu adiga kaa soo fuleen.

Waa tan maanta saaxibkeey Xasan Sheekh haysata, welise fursad ayaa u furan, waase haddii uu diyaar u yahay in uu dhabta wajaho, taladana dhexda dhigo.

About The Author