Galmudug oo si ka duwan DFS uga hadashay Hubkii NISA galbinaysay ee Shiilamadow, Caabudwaaq

16 July 2024 (Puntlandes.com) Dawlag Goboleedka Galmudug oo warbixin ku saabsan shaqaaqadii shalay ka dhacday waqooyiga Gobolka Galgaduud soo saaray ayaa uga hadlay si ka duwan sidii ay dawladda Federaalku uga hadashay.

Maamulka Xasan Sheekh oo warmurtiyeed ka soo saaray Hubkii shalay ay shacabka magaalada Caabudwaaq kala wareegeen Ciidan NISA ayaa ku sheegay inay Hubkaas uu ahaa Hub ay ka qabteen Koox sifo sharcidaro ah dalka ku soo gelinayey, kadibna wuxu ku eedeeyey inay jidgooyo udhigteen maleeshiyaad hubaysan.

Sidoo kale maamulka Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu Hubka ka soo celin doono gacanta shacabka ee uu galay wuxuuna odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka farayo in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas, halkaan ka akhriso qoraalka DFS.

Dhanka kale Dawlada Galmudug ayaa waxay qoraalka ku sheegtay inay ku guda jirto sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashii Hubkaas sharcidarada ku soo geliyey, waxayna ka dalbatay hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee Dowladda Federaalka ah inay gacan ka gaysataan.

Qoraalka Galmudug laguma sheegin in Hubka jidgooyo loo dhigtay lana dhacay, sidoo kaler laguma sheegin in Hubkii la soo celinayo siday DFS sheegtay.

About The Author