Muuqaal: Jabiye “Deni waxaan rabay in aan ku dhoho, Dimuquraadiyad ma waddide, dadka hagar daamada kaddaa”

16 July 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Sinan iyo Cadaalad ENG Maxamud Khaliif Jabiye oo taageerayaasha Xisbiga kula hadlayey Garoonka Mira-Awaare ee Magaalada Garowe ayaa eedayn culus u jeediyey madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Guddoomiye Jabiye ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inaysan waxa uu ka shaqaynayo aysan ahayn dimoqraadiyad ee ay tahay wuxuu dan ka leeyahay.

Guddoomiye Jabiye ayaa yiri “Deni waan wacay maanta waana iga qaban-waayey taleefanka, waxa aan rabay in aan ku dhoho; Dimuquraadiyad ma waddide, dadka hagar daamada kaddaa, Booliis ayuu noo adeegsaday oo khal-khal geliyey ololaha”

About The Author