Muuqaal-Sawirro: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Lugatoor oo goobjoog ka noqday doorashada ururka dhakhaatiirta Xoolaha Puntland

17 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay oo goobjoog ka noqday Doorashada Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha (PULPA) iyo Guddiga Sarre ee Dhakhaatiirta Xoolaha Puntland (Vet Board) oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey in Dhakhaatiirta Xoolaha ee Puntland ay yeeshaan Urur iyo hoggaankiisa, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo horumarinaysa daaweynta Xoolaheenna oo laf-dhabar u ah Nolosha dadka Dadka reer Puntland iyo guud dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Doorashada Guddoonka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha ee Puntland, waxaa ka qeybgalay

185 dhakhtar oo leh rag iyo dumar oo isaga kala yimi Gobollada Puntland, kuwaasi oo ku takhasusay daaweynta Xoolaha, waxaana ay Shirka ku dooranayaan Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha (PULPA) iyo Guddiga Sarre ee Dhakhaatiirta Xoolaha Puntland ( Vet Board).

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda sida Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Haweenka, Dhakhaatiirta iyo khuburada Caafimaadka ee Puntland iyo marti sharaf kale.

About The Author