Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey maamulka aan dastuurka waafaqsanayn ee ay DFS Cadaado ku dhoodhoobtay
7 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Xamar Xasan Sheekh ayaa u hambalyeeyay soona Dhaweeyey maamulka aan dastuurka dalka waafaqsanayn ee ay DFS ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, oo doortey inay shido ka abuuraan Gobolka Mudug ee Puntland.
Xasan Sheekh ayaa yiri markuu ka hadlayey Fidnada uu ka wado Cadaado “Soomaaliya waxay ku tallaabsatey horumar la taaban karo oo ku wajahan baahinta xukunka dowladnimada iyo dhaqangelinta habka federaalka. Doorashada toddobaadkan ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waa tallaabo kale oo horey loogu qaadey dhinaca dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inaga go’an inaan la shaqeyno Madaxweyne Cabdikariim Guuleed iyo maamulkiisa, si loo dhiso xiriir adag oo lagu xaqiijinayo in shacabka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka ay si wadajir ah u hiigsadaan nabad iyo barwaaqo,”
Maamulka Cadaado ayaan ahayn mid waafaqsan Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay waxaana taas usii dheer isagoo sheegtay in xudduudiisa waqooyi tahay Gobolka Nugaal oo micnaheedu yahay anagaa qaadanayna Gobolka Mudug ee Puntland.
Puntlandes.com