Dr. Yaasir Axmed Maxamed oo ku guulaystay Guddiga sare ee Dhakhaatiirta Xoolaha halka Dr. Maxamuud & Dr. Hodon….

17 July 2024 (Puntlandes.com) Doorashadii ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland soo qabanqaabisay ee madaxda Guddiga sare ee Dhakhaatiirta Xoolaha ayaa waxaa ku guulaystay Dr. Yaasir Axmed Maxamed .

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha (PULPA) ayaa waxaa ku guulaystay Dr. Maxamuud Axmed Siciid iyo Dr. Hodon Cabdirisaaq Ciise oo ku guulaysatay Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha (PULPA)

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) oo ku hadlaya afka Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Bahda Xannaanada xoolaha ayaa waxa uu hambalyo u diraya madaxda Guddiga sare ee Dhakhaatiirta Xoolaha oo uu ku guulaystay Dr. Yaasir Axmed Maxamed iyo Guddoomiyaha Ururka Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha (PULPA) oo uu ku guulaystay Dr. Maxamuud Axmed Siciid iyo Dr. Hodon Cabdirisaaq Ciise oo ku guulaysatay Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha (PULPA)

Waxa uu Wasiirka mahadcelin iyo bogaadin u diray guddiga doorashada oo si hufan oo hagar la’aan ah u qabtay doorashada cid walba qancisay iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha oo ay ka mid yihiin Bahda Wasaaradaha, Xildhibaanada iyo bulshada rayidka ah, dhakhaatiirta u soo safray iyo dhammaan tartamayaashii waxa aad dhammaan muujiseen niyadsami waynu wada guulaysanay dhammaanteen.

About The Author