Xil. C/raxmaan Cagaweyne ”Madaxweynaha Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan”

17 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan C/raxmaan Cagaweyne ayaa qoraal uu qoray waxa uu uga falceliyey sida uu u maareeyey Hubkii ay shacabka Caabudwaaq furteen oo ay Ciidanka DFS ee NISA galbinayeen.

Xildhibaan C/raxmaan Cagaweyne ayaa si culus ugu eedeeyey madaxweynaha Galmudug inuu uga faaiidaysanayo Hubkaas inuu ku eedeeyo Siyaasiyiinta hanka ka leh Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey madaxweyne Qoorqoor in maamulkiisa uu meel kasta ka socdo dagaal Beeleed uusana damn ka lahayn.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan, waxay cadeen utahay in uusan jirin xigmad kale oo kuhartay maamulkiisa, horay ayuu u curyaamiyay maamulka hadana waxa uu ka shaqeynayaa burburka Galmudug iyo inaysan waxba ka danbeeyn.

Waa maamulka kaliya uu kasocda afartiisa dhinac dagaallo qabiil oo Madaxweynaha xilka kadhamaaday uusan wax tilaab ah uqaadin in uu kala dhaxgalo dadka walaalaha ah waxa uuna waqtigiisa ugubadan kubixiyaa sidii uu bulshada ukala geenlahaa.

Soomalida ayaa horay ugu maahmaahday Afxumo gurigaaga ayay kaa saartaa guriga kalana kuma geeyso!

Waxaan leenahay Madaxweyne Qoorqoor Intaan kabadan sharci darro naguma hogaamineysid ee sharciyad la imow!

About The Author