Xil Cabdisabir Shuuriye ”MD Qoorqoor waa nasiibdaro iyo maangaabnimo inuu maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur..”

17 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdisabir Shuuriye, oo laga soo doorto Galmudug gaar ahaan degmada Cadaado, ayaa qoraal uu qoray waxa uu uga falceliyey sida uu u maareeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor Hubkii ay shacabka Caabudwaaq furteen oo ay Ciidanka DFS ee NISA galbinayeen.

Xildhibaan Cabdisabir Shuuriye ayaa si culus ugu eedeeyey madaxweynaha Galmudug inuu uga faa´iidaysanayo Hubkaas inuu ku magac dilo  Siyaasiyiinta hanka ka leh Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey madaxweyne Qoorqoor in uu Facebook dacaayado lagu faafiyey u adeegsanayo magac dilka Siyaasiyiinta Galmudug.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada.

Waa nasiibdaro iyo maangaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo.

Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.

Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin.

IN AAN JOOGO JECLAAYEE hortaa ayaa la waayey.

About The Author