Ugaas Maxamed ”waxaa ayaandarra ah in ay DFS u gooddisay shacabkii baajiyey qatar, iyadoo aan waxba kasoo qaadin shacabkii ay sida bahalnimada ah u xasuuqday”

18 July 2024 (Puntlandes.com) Ugaaska Beesha Sadde Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si xasaasi ah ugaga hadlay Hubkii Sharci Darada ahaa ay gacanta ku dhigeen Shacabka Degmada Cabudwaaq.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Ugaaska:

War-saxaafadeed

Tr; 18/07/2024

Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka shircidarrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay Waqooyiga Galgaduud, 15kii July 2024.

Hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, dowladda Galmudug iyo guud ahaan Dalka.

Si looga baaqsado halistaas, ayuu shacabka waqooyiga Galgaduud, oo ah mid mar kaste foojigan, si dhiirranaan leh, uga hortagey isku daygaas lagu tahriibinayey hubka sharcidarrada ah. Ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas waxay ku fashilmeen in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taa beddelkeeda ugu jawaabeen jaho wareerin iyo xasuuq aan loo meeldayin, kaa oo galaaftay 12 qof, halka ay ku dhaawacmeen 50 muwaadin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in hubkaasi uu ahaa mid sharcidarra ah, ayaa waxaa haddana ayaandarra ah in ay u gooddisay shacabkii baajiyey qatartaas, iyada oo aan waxba ka ka soo qaadin shacabkii ay, sida bahalnimada ah, u xasuuqday, iyada oo maanka lagu hayo in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, oo aysan jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis, taa beddelkeedana ay dowladdu hubeysay dhinacyo gaar ah.

Hubka lagu soo tahriibiyey Galmudug waxuu baal-marsanyahay shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xariira maamulka iyo xakameynta hubka, ka hortagga qulqulka hubka sharci darrada ah iyo ka hortagga danbiyada abaabulan. Sida daraaddeed, Waxaan dalbaneynaa qodobada soo socda:

1. In si deg deg ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ay ku xasuuqday deegaanka Shiilmadow ee degmada Caabudwaaq 15kii July 2024, iyaga oo difaacanaya amnigooda gudaha.

2. In dowladda Galmudug ay qaadato doorkeeda ku aaddan tirakoobka qasaaraha shacabkeeda ka soo gaaray dhacdadaan iyo in ay ku dhiirrato tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon fal-danbiyeedka isugu jira tahriibinta hubka sharci darrada ah iyo xasuuqa shacabka.

3. In cid kaste oo ku leg leh ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ay joojiso falkaas, innaga oo uga digeynno in ay mar kale isku biimeeyaan ficilkaan qar-iska-tuurka ah.

4. ⁠In baaris caalami ah lagu sameeyo dhacdadaan, maadama danbiyada tahriibinta hubka ay yihiin kuwa saameenayo amniga gobalka iyo dhaqaalaha adduunka, ayna tahay mid ka gudubtay xuduudaha Dalka.

5. ⁠Waxaan ugu baaqaynaa bulshada deggan xuduudadaha Dalka in ay ilaaliyaan amniga, kana hortagaan falalka sharcidarrada ah, maadaama aysan wali Dowladdu si buuxda ula wareegin masuuliyadda ilaalinta amniga xuduudaha Dalka.

Wa Billaahi Towfiiq.

About The Author