Madaxwaynaha ee deegaanada canfarta & Soomaalida oo ku dhawaaqay in laso afjaray colaadii udhaxaysay labada degaan, maxay..?

18 July 2024 (Puntlandes.com) Labada madaxwayne ee deegaanada Canfarta iyo Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in lasoo afjaray colaadii u dhaxaysay labada degaan.

Wada-hadal socday labo maalin ayaa lasoo gaba gabeeyay waxaana lagu heshiiyay in guud ahaan lasoo afjaro colaada xal waarana la gaaro.

Qodobada shirka kaso Baxay ayaa ahaa:

1.In Xabadjoojin deg deg ah la sameeyo.

2, in dadkii lasoo barakiciyay lagu celiyo guryahooda, si nabad ah laga bilaabo marka la saxiixo heshiiska.

3. In dhibaatoyinkii dhacay halkaas lagu soo afjaro.

4. In labada deegaan ka shaqeyaan sidii loo hirgalin lahaa Heshiiska nabada.

5. In dib u dajin loo sameeyo dadkii colaadu waxyeelada gaartay.

7. In labada ciidan dib loo kala qaado masaafo dhan 15 KM.

8. In ciidamada federalka lagu wareejiyo amniga sadexda magaalo.

9. In ugu danbayntii dadka dagen magaaloyinka la isku haystay afti laga qaado iyadoo la Raacayo Dastuurka Dalka Ethiopia.

10. In la qabto shir nabadeed oo labada shacab la isagu keenayo.

11. In dawlada federalka ah doorkeeda qaadato.

About The Author