Xil Abdishakur Ali Mire ”madaxweyne Ahmed Qoor Qoor wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday”

18 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Abdishakur Ali Mire, oo laga soo doorto Galmudug gaar ahaan degmada Caabudwaaq, ayaa qoraal uu qoray waxa uu uga falceliyey sida uu u maareeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor Hubkii ay shacabka Caabudwaaq furteen oo ay Ciidanka DFS ee NISA galbinayeen.

Xildhibaan Abdishakur Ali Mire ayaa eedeeyey madaxweynaha Galmudug inuu ku guuldaraystay shaqadii loo igmaday.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dowladda fedraalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqaya in aan la sugin Galmudug oo maamul ahaana u dunta, shacabkeeduna beel beel isku laayaan, wuxuuna ku sii daray in doorashadu xiligeedii ku dhacdo si loo badbaadiyo Galmudug.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Dareenka iyo qalalaasaha siyaasaddeed iyo amni ee ka jira GalMudug ee maalmahan soo xoogeystay, waa kuwa horseedi kara qarax siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda in xilliga kala guurka ee mudo xilleedka hoggaanka hadda haya talada GalMudug uu reer GalMudug dhaxal-siiyo colaado iyo gacan ka hadal siyaasadeysan.

Hoggaanka GalMudug ee madaxweyne Ahmed Qoor Qoor, wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday, wuxuuna GalMudug dhaxal siiyey inay dib usoo noqdaan colaadihii beelaha oo si ka xooggan intaan talada loo dhiibin hadda u saameeyey dhamaanteen deeganada GalMudug.

Waxaan shaki ku jirin in ay GalMudug u baahan tahay badbaado siyaasadeed iyo mid nabad galyo, qofka ugu horeeya ee ay tahay in laga badbaadiyana waa Axmed Qoor Qoor oo siyaasad ka dhigtay iska horkeenka beelaha iyo abuurista qalalaase uu aaminay inuu xilka ku sii haysan karo.

Hoggaanka GalMudug, ma jirto beel gaar ah iyo deegaan gaar ah uu jaceyl gaar ah u hayo, balse wuxuu maalin kasta raadsadaa qolo uu ku moodo.

Dhibaatada iyo eexda iyo jowrfalka uu ku sameeyey shacabka Waqooyiga Galgaduud mudadii uu talada hayey maahan mid ay waligood ma halmaami doonaan, waxaase wax lagu qoslo ah in hubka ay deegaankooda dhexdiisa ku furteen uu ka dhiggo mid uu kala shaqeeyey inay furtaan ayadoo la ogyahay ciidanka NISA ee shacabka laayey inuu asagu soo direy.

Ugu dambeyn waxaan dowladda fedraalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta reer GalMudug ugu baaqaya in aan la sugin GalMudug oo maamul ahaana u dunta, shacabkeeduna beel beel isku laayaan, waxaa kaliya oo lagu badbaadin karaa waa in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

Mahadsanidiin.

About The Author