Sawirro: Puntland oo ansixisay 8 mashruuc oo lagu dhisayo waddooyinka Puntland

18 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, aya shir-guddoomiyey shirka Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Guddigu wuxuu warbixin iyo qorshe ka dhegaystay Hay’adda Waddooyinka kaas oo ay ku soo bandhigtay qorshaha Dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka waxaana Guddigu ansixiyey 8 Mashruuc oo kala ah :-

1. Dayactirka joogtada ah iyo buuxinta godadka:

a) Boosaaso – Gaalkacyo

b) Garoowe-Laascaanood

2. Dhameystirka dhismaha Wadada Cawsane-Hadaaftimo.

3. Dhameystirka Wadada Lafagorayo (26km).

4. Dib-u-dhiska Buundooyinka Carmo-Boosaaso (waa 25 Buundo).

5. Dib-u-dhiska Buundooyinka Xaaji-kheyr.

6. Dayactirka Garbaha Wadada Garoowe -Sinujiif. (30km ayaa la dayactiraya)

7. Dhameystirka Wadada Birtadheer-Kalabayr (20Km ayaa laga shaqeynayaa).

8. Dib-u-dhiska Wadada Xaarxaar- Jalam (12.5km ayaa laga shaqeynayaa) .

Qorshaha hirgelinta mashaariicda horumarinta Waddooyinkan ayaa lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnada Dowladda Puntland, waana Cashuurta dadweynaha oo dalka dib-loogu-celinayo.

About The Author