PEC oo shaacisey wadarta Guud ee Musharixiinta golayaasha deegaanka 3da Degmo ee Garowe, Dangorayo & Godobjiiraan

18 July 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland, PEC ayaa waxa uu hoose shaaciyey wadarta Guud ee Musharixiinta golayaasha deegaanka Saddexda Degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan, ee Ururada Siyaasadda ku tartamaya Doorashooyinka qof iyo cod, ee loo asteeyay 23-ka July 2024.

Tirada guud ee codaynaysa ayaa ah ku dhawaad 65 000 qof oo is diiwaangeliyey iyagoo ka codaynaya 81 Seejo, waxaana ku tartamaya 431 musharax golayaasha deegaanka ee sadexdaas degmo.


Liiska musharixiinta ayaa PEC waxay ku shaacisay degmo degmo.

About The Author