AUN Waxaa xalay Laascaanood ku geeriyoodey Cabdiqani Ahmed Dihaal (Dulqarnayn)

19 July 2024 (Puntlandes.com) Alle ha u naxariisto Waxaa xalay magaalada Laascaanood ku geeriyoodey Cabdiqani Ahmed Dihaal (Dulqarnayn) oo ahaa shaqsi umada ku dhiiri geli jiray Wanaaga, Hal abuurka iyo in ummadu ay wax wada qabsadaan kuna dadaalaan mid nimadooda.
Dulqarneyn oo dhimirka la´aa, wuxuu ahaa mufakir aragti dheer neceb gumeeysiga iyo isku dulleeynta wadamada shisheeye.

Wuxuuna Soomaalida ku dhiirigelin jiray inay shaqaystaan oo fadhiga ka kacaan, isagoo tusaale u soo qaadan jiray xayawaanka sida Quraanjada, Aboorka iyo Shinida barbardhigi jirayna Soomaalida subaxii ilaa habeenkii fadhiya Maqaaxiyaha kuna fadhi diriraya.

Dulqarneyn ayaa waxa uu u geeryooday dhaawac ka soo gaaray Toorey uu ku dhuftay nin magaalada Laascaanood.

Allah waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisto, u danbi dhaafo Jannaadana hoy uga dhigo.

About The Author