Xisbiga Himilo Qaran oo warsaxaafadeed uu aad uga walaacsanyahay hubka kusoo qulqulaya dalka iyo colaadaha sokeeye soo saaray

19 July 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu aad uga walaacsanyahay hubka kusoo qulqulaya dalka iyo colaadaha sokeeye ee ka soo cusboonaaday inta badan deegaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga Midnimo ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Xisbigu wuxuu aaminsanyahay masuuliyad darro wayn inay tahay hubka tahriibka ah ee sida dhuumashada ah lagu soo gelinayo dalka, mas’uuliyad darrada iyo dhibaatada ka dhalatay hubkaas ee dhimasho, dhaawacba iyo khilaaf dadka deegaankaba leh waxaa iska leh Madaxda dowladda Federaalka.”

About The Author