Sawirro: Xubnaha ku metala Beesha Direed DFS oo shir ku yeeshay Muqdisho

19 July 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiinta ku saamiga ah ee Beesha Direed ayaa Shir xasaasi ah oo ku saabsan saamiqabsiga Siyaasadeed ee Beelaha Direed iyo mowqifkooda ku aadan ayaa waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah inta badan masuuliyiinta siyaasadda ku matala beelahan iyagoona ka arrinsanaya xaaladda siyaasadda iyo saami qeybsiga dalka gaar ahaan kuraastooda ugu sarreysa, iyadoo uu jiro tuhunno la xiriira in kuraasta qaar ka mid ah beelaha Direed la siiyo reero kale.

Sidoo kale Kulankan waxyaabaha uu daaranyahay ee looga hadlayo waxaa ka mid ah kiiska Kursigii ay u tartamaysay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan oo horaan sheegtay inay cadaadis kala kulantay dowladda si kursiga ay uga tanaasusho.

Mas’uuliyiintan ayaa si weyn cabasho uga muujiyay tuhunno soo xoogeysanaya oo sheegaya in la sameyn doono Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Xildhibaannada Beesha Direed ayaa markii shirku u dhamaaday waxay aadeen Madaxweynaha, waxaana loo sheegay in Madaxweynuhu mashquulsan yahay, isla markaana uu qaabili doono maalinta berri 9:00 subaxnimo.

Shirkii golaga wasiiradda caawa loogu yeeray ayaa waxa uu u xaniban yahay Beesha Direed iyadoo kadibna uu iayagana shir u bilaamay Xubnaha DFS ee Beesha Digil iyo Mirifle.

About The Author