Waxaa la joogaa wakhtigii Puntland u dareeri lahayd u Codaynta in ay kasii mid ahaato Somalia iyo in kale (Referendum).. W/Q Mahamud Janagale
Dadka reer Puntland waxay qayb-libaax ka soo qaadeen xornimadii 1960kii Somalia qaadatay, iyadoo lahayd fikraddii Calanka buluugga ah ee shanta gees leh.
1960kii illaa 1969kii waxay dadka Puntland tiirdhexaad u ahayd maamulkii Demoqaraadiyadda ku dhisnaa ee ka hirgalay Somalia, taariikhda Afrikana baalka dahabka ah ka galay dhanka Demoqaraadiyadda, waxaana taas marag u ah iyadoo muddadaas dalka ka ahayd ama Ra’iisulwasaare ama Madaxweyne.
1969kii markii Ciidamadu xukunkii dalka xoogga kula wareegeen, siyaasiyiinta reer Puntland waxay cod dheer iyo mid gaabanba ku shegeen in Somalia aysan astaahilin xukun milateri, loona baahan yahay in xukunka dalka lagu soo celiyo gacanta shacabweynaha. Siyaasiyiinta reer Puntland iskama lahayn arintaas ee waxaa u muuqatay in haddii xukunka milateri lagu sii socdo uu dalku dhaxli doono cawaaqib xumo an laga soo waaqsan karin, wayna dhacday.
Kadib markii ciidamadu maacaansadeen xukunkii dalka, waxaa siyaasiyiinta reer Puntland u muuqatay in sida keliya ee kooxda xukunka dalka boobtay looga soo celin karo ay tahay xoog, waxaana taas marag u ah in Kooxdii ugu horaysay ee ku dhiirata inay ka hortimaado Xukunkii keligitaliska ahaa ay noqdeen Dad reer Pumtland ah. Aragtidii siyaasiyiinta reer Puntland ee ahayd in Koox qori wax ku qabsatay qori looga qaadi karo ayaana xukunkii Militariga xilkii looga tuuray 1991dii.
Nasiib darro, siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada dhexe iyo Banaadir oo awoodii dalku gacantooda ku dhacday ayaa arintii la aaday meel an looba joogin iyo Qabiil-gumaad, waxayna xaaladdii noqotay halkii cir laga filaayey ayaa caad ka yimid, meeshaan Demoqaraadiyad raadinaynay ayaa dib loogu noqday dhaqankii miyiga iyo aano qabiil.
Reer Puntland arintaas dhib an la soo koobi karin ayaa ka soo gaadhay iyadoo hal maalin Gaalkacyo looga dilay 500 oo qof oo madax-dhaqameedkii beeshu ku jireen, waxaana uga luntay hanti an la xisaabi Karin.
Puntland markay aragtay sida gobolada dhexe iyo Banaadir wax u wadaan ayey 1998dii samaysatay maamul-goboleed iyada u gaar ah, markay dhismihii maamulkaas ku guulaysatayna waxay dadaal u gashay sidii Soomaali la isugu soo celin lahaa, iyadoo maal iyo nafba u hurtay soo noolaynta sharafta iyo midnimada Somalia.
Puntland waxaa u muuqatay in sida keliya ee Somalia isugu soo noqon karto ay tahay hab Feedaraal ah iyo Dastuur qeexaya habkaas Feedaraalka oo lagu heshiiyo, dedaalkaasuna wuu hirgalay, waxaana sixiixa lagu duugay Dastuurkii Feedaraalka ahaa, waxaana la qaatay magaca Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Feedaraalka Soomaaliya.
Hawlgalkii Feedaraalnimada ee Puntland horseedka ka ahayd ma ahayn mid la isaga riyooday ee wuxuu ahaa mid ka dhashay xanuunkii badnaa ee lala kulmay muddadii burburku jiray iyo kala aamin-bixii bulshada Soomaaliyeed kala qaaday.
Wax nin la toosan nin la tuur leh. Laga soo billaabo maalintii la qaatay habka Feedaraalka illaa maanta, dadyowga gobolada dhexe iyo Banaadir waxay ku mashquulsan yihiin sidii loo bedeli lahaa Dastuurka Feedaraalka iyo sidii habka Feedaraalka gebi ahaanba meesha looga saari lahaa. Muddadaas dhawr iyo tobanka sana ah Puntland waxay ku dhawaaqaysay, “war wixii Soomaalidu ku heshiisay hala dhwro”, hasa yeeshee dheg jalaq looma siin, waxayna maanta sheekadu maraysaa in dhulkii iyo dadkii Puntland si rabitaankooda ka baxsan loogu daro wax loogu magacdaray Galmudug State.
Waxaa kaloo iyana nasiibdaro iyo niyad-jab ah in Gobolada dhexe, Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo Banaadir ay in badan ka taliso Alshabaab, meeshii dhulka ay Shabaab haysato laga xorayn lahaana Goboladii nabadda ahaa colaad cusub laga abuurayo sida Puntland iyo Galmudug.
“Halkaa waxaa ka cad in ujeedada colaadahaas loo abuurayo ay yihiin sidii dadweynaha Soomaaliyeed loo nacsiin lahaa habka Feedaraaka sida uu horayba ugu dhawaaqay Madxweynaha Puntland.” (C/wali Mohamed cali Gaas)
Hadaba:
Mar haddii Puntland muddo dheer u gardadaduubnayd gobolada dhexe iyo Banaadir, dadaal iyo sabaalin bandanna ay u soo gashay dhismaha qaran Soomaaliyeed, midnimo iyo soo celintii sharafta dalka iyo dadka, lagana hoos qaadiwaayey oo weliba loo arkay in ay iyadu dan gaar ah arintaas ka leedahay.
Mar haddii habkii Feedaraalka ee lagu heshiiyey aysan doonayn gobolada dhexe iyo Banaadir ujeeddo kasta haka lahaadeene.
Mar haddii Dastuurkii Feedaraalka la hareermaray oon la doonayn in lagu dhaqmo.
Mar haddii ururka nadad-diidka ee Alshabaab an la doonayn in dalka laga xoreeyo oo loo xagal-dabcinaayo, nabadgelyo goboladaas ka soo muuqataana aysan dhawayn.
Mar haddii dadyowga gobolada dhexe iyo Banaadir aad isugu hawlayaan sidii loo burburin lahaa nabadda iyo horumarka ka jira Puntland, marag cadna ay u tahay xadka loo sameeyey Galmudug State, taasoo looga golleeyahay in la helo jidkii loo mari lahaa colaadda Punland.
Mar haddii Puntland ay muddo 25 sano ah u samraysay, una dulqaadanaysay gobolada dhexe iyo Banaadir, iyadoo islahayd way idinla fahmi doonaan wanaagga ad ka talinaysaan balse wax kasta cagsi loo fasirtay.
Mar haddi ay muuqatay in Pumtland an waxba looga oggolayn dhaqaalaha caalamku bixiyo ee soo mara Dowladda
Feedaraalka, heshiisyada horumarineed ee ay iskeed Puntland caalamka ula gashana laga hortaagan yahay.
Ayaa waxaan soo jeedinayaa talada soo socota:
1. In Puntland wadatashi isugu noqoto, iskuna tashato.
2. In Golaha wasiirada Puntland sida ugu dhaqsiyaha badan uga wadahadlaan in dadka reer Puntland la weydiiyo inay kasii mid ahaanayaan Somalia iyo in kale.
3. In Golaha Wasiiradu cayimaan wakhti go’an oo bulshada reer Puntland cod looga qaado.
4. In go’aanka wasiirada laga ansixiyo Golaha Baarlamaanka Puntland.
5. Iyo in la sameeyo guddi ka shaqeeya sidii doorashadu ku qabsoomi lahayd, dhanka abaabulka, qalabka doorashada iyo dhanka halkii laga heli lahaa dhaqaalihi lagu hawlgelihaa IWM.
Maxay tahay danta Puntland ugu jirta gooni-isutaageeda:
1. Puntland way isku tashan lahayd, waxayna maalkeeda, maskaxdeeda iyo muruqeedaba isugu geyn lahayd horumarinta dhulkeeda.
2. Bulshada Puntland waxaa ka bixi lahaa u hanqaltaagga muqdisho, hantida ay dib u hayaan ee ay Banaadir la sugayaanna waxay gelin lahaayeen dhulkooda hooyo..
3. Puntland waxay si toos ah ula macaamili lahayd caalamka intiisa kale iydoo an meel kale loo soo marin.
4. Puntland waxay ka bixi lahayd jahawareerka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku soo jirtay shan iyo labaatanka sano, waxayna qaadan lahayd jaho cayiman oon leexleexad lahayn.
5. Xuduudaha Puntland waxay noqon lahaayeen lama taabtaan maadaama ay noqotay Qaran gooni u taagan.
6. Haddii ay timaaddo talo saliim ah oo Soomaaliya isugu soo noqon karto, Puntland iyadoo ah Qaran lamid ah Somaliland ayey shuruudaheeda si xor ah ula imaan doontaa, waxa ay rabto hadday weydana arintu waa Sange weylu uma xidhna.
Maxay yihiin caqabadaha la fili karo:
1. Hoos u dhac dhaqaale waa suurtagal. Bulshada caalamku cadaadis dhaqaale way isku deyi kartaa intii muddo gaaban ah.
2. Dadyowga neceb xasiloonida Puntland, waa suurtagal in ay soo abaabulaan kooxo qaswadayaal ah.
3. Waxaa jira dad reer Puntland ah oo dano dhaqaale iyo kuwo madaxtinimo ka leh Muqdisho, iyaguna carqalad waa keeni karaan.
4. Ganacsigii ka dhexeeyey Puntland iyo gobolada dhexe iyo Banadir intii muddo ah hakad waa geli karaa inta Shuruucda iyo Heshiisyada ganacsiga la isla meel dhigayo.
5. Aqoonsi caalami ah in la helo way daba-dheeraan kartaa.
Wabilahi towfiiq
Mahamud Janagale
mcjano@hotmail.com>
Dublin Ireland.
Xigasho: raxanreeb
Daabacaadii Puntlandes.com