Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha Puntland oo Qado sharaf u sameyeey Guddigii Doorashadda Pulpa iyo Vet board

19 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa Qado sharaf u sameyeey Guddigii Doorashadda Pulpa iyo Vet board.

Wasiirka ayaa Sidoo kale kusoo dhaweeyey Wasaaradda dhamaan Gudomiyeyaashii la doortay iyo xubnihii si wada-shaqayn dhamaystiran u dhexmarto la iskuna barto.

Waxaa kasoo qayb-galay qado-Sharaftan wasiir ku xigeenka Wasaradda xannaanada xoolaha ,Wasiir Dowladaha Wasaaradda xannaanada xoolaha,Gudoomiyaha Guddiga khayraadka ee baarlamaanka,Agaasimeyaasha Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo marti-sharaf kale.

Ugu danbayn wasiirka ayaa la dardaarmay Dhaman dhaqaatiirtii la doortay iyo kuwii tartanka ka qayb-galay oo uu u rajeeyey mustaqbal ifaya iyo badal ka wanaagsan.

Ciidanka booliska Puntland ”ma qaban Karto doorasho nooc kasta ay tahay cid aan ahayn gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dowladda Puntland (PEC)”

About The Author