Dhammaan Xildhibaanada Beesha Digil & Mirifle maanta ma tagin hoolka Barlamaanka

20 July 2024 (Puntlandes.com) Dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metala Beesha Digil & Mirifle oo tiradoodu tahay 61 ayaan maanta kulankii Barlamaanka tagin hoolka.

Xildhibaanada DM ayaa waxay dalbadeen in marka hore loo magacaabo Ra´iisul Wasaare ku xigeenka 2-Aad oo uu madaxweyne xasan Sheekh u balanwqaaday markuu ansaxsanayey Dastuur bedelkiisii.

Gadoodka Xildhibaanada DM ayaa waxay sii fogaynaysaa xaalada Siyaasadeed Wadanka oo iminka ah mid aan degenayn.

In DM uu xasan Sheekh u magacaabo RW xigeenka 2-Aad waxaa si xoogan uga horjeeda oo iyaguna dhankooda gadoodaya Xildhibaanada Beesha Direed oo diidan in lala qaybsado xilkaas.

Fadhiga Baarlamaanka in ay ka maqnaadaan dhamaan Xildhibaanada ku matala golaha mid ka mid ah Beelaha awood qaybsiga 4.5 horay uma dhicin taariikhda.

Xasan Shiikh,iyadoo aysan 3-Sano gaarin mudo xileedkiisa ayay Siyaasadu ku cakirantay.

About The Author