Muuqaal-Sawirro: Shacabka Boorama oo taageeray Xildhibaan Maxamed Abiib fariin adagna udirtay madaxweynaha Somaliland

20 July 2024 (Puntlandes.com) Shacabka gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama oo sameeyey isu soo bax aad u baaxad wayn ayaa fariin adag u diray madaxweynaha Somaliland oo ku hawlan inuu xasaanadda ka xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ugu baaqay shacabka inaysan dib dambe u dooran Muuse Biixi oo cod ku ridaan.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa qoraal ku yiri ”Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta soo gaadhay magaalada Boorama iyo dadkaygii isoo doortay. Hilowga aad ii muujiseen iyo kalgacaylka aad igu qaabisheen ma aha mid aan weligey ilaawayo. Maanta, waa maalin baal dahab ah kaga dhignaan doonta taariikhdayda iyo ta reer Awdal, sooyaalka isbeddel doonka waa maalin u muhim ah. Waxaan leeyahay, ninkii maanta iga dheer ha iga dul boodo.”

About The Author