Xil C C/shakur ”laga bilaabaa u bareerka Madaxweyne Xasan Sheekh oo la wada ogyahay in uu yahay qofka diiddan in doorashada Galmudug laga qabto”

20 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu kaga hadlay dooda ah in la joogo waqtigii ay Galmudug doorasho madaxweyne ka dhici layad.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay tahay in siyaasiyiinta danaynayaa in doorasho ka dhacdo Galmudug ay ka bilaabaan u bareerka Madaxweyne Xasan Sheekh oo sida uu sheegay diiddan in doorashada Galmudug laga qabto”

Hoos ka akhriso qoraalka:

Galmudug waxay ka mid tahay maamullada curdinka ah ee haatan hanaqaadaya, waxay ku dhisan tahay heshiis bulsho oo nugul, waxaana lagama maarmaan ah in aan mudnaanta koowaad siino ilaalinta xasilloonida, ammaanka iyo nabadgelyada degaanka.

Leebka salka kaga taagnaan jiray, welina ku taagan reer Galmudug waa colaad isheedu tahay qori iyo qab qabiil oo is-barkan.

In la hamiyo hoggaanka Galmudug, laguna tartamo waa mid ay u siman yihiin dadka degaanka iyo qofkii hibo hoggaamin leh, laakiin waa in loollankuna uusan ka bixin xayndaabka dawladnimo.

Madaxda dowladda waxaa laga filayey in ay siyaasadda amniga iyo difaaca dalka ay heer federaal ahaato kalana shaqeeyaan dowladaha gobollada. Marna laga filanmaynin in ay u laabtaan wadadii lagu soo hoogay ee hoggaamiye kooxeedka.

Hoggaamiye kooxeed waxaa noqonaya shakhsi ama koox kasta oo haysta il dhaqaale oo aan sharci ahayn iyo awood ciidan oo ka baxsan haykalka iyo hannaanka dowliga ah.

Tartanka siyaasadeed waa in uu ahaadaa mid ku dhisan aragti, waxqabad iyo barnaamij siyaasadeed, dadka loollanka ku jiraana waa in ay aqoonsanyihiin sharciyada dowladnimada Galmudug, kana fogaadaan qabiil abaabul iyo qori dhurasho.

Waxaa xaq ah doodda oranaysa in muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda Galmudug uu dhammaaday, loona baahan yahay in la cusboonaysiiyo, waase in dooddaas dibadda loola soo istaagaa oo daaha dabadiisa laga soo baxo, laguna muujiyo abaabul nabadeed iyo halgan siyaasadeed, lagana bilaabo u bareerka Madaxweyne Xasan Sheekh oo la wada ogyahay in uu yahay qofka diiddan in doorashada la qabto.

About The Author