Akhriso Qodobada ka hadlaya Dhismaha, Sharuudaha & Waayidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha

20 July 2024 (Puntlandes.com) Golaha wasiiradda ayaa xalay ansixiyey Hindisaha- Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, kaas oo ku dhismaya dastuurkii uu madaxweynaha DFS bedeshay.

Hoos ka akhriso Qodobka 7aad Habraaca Magacaabista Guddiga, 8aad Shuruudaha Xubinnimada Guddiga iyo 9aad: Waayidda Xubinnimada Guddiga:

CUTUBKA 2AAD: DHISMAHA, XILALKA IYO AWOODAHA GUDDIGA

Qodobka 7aad: Habraaca Magacaabista Guddiga

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, isagoo la tashanaya dhinacyada iyo hay’adaha ay khusayso, waxa uu soo xulayaa 54 musharax, oo 18 ka mid ah oo buuxiyay shuruudaha xubinimada guddiga uu u gudbinayo Golaha Wasiirada iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka iyo isu-dheellitirnaanta qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
  2. Golaha Wasiirrada ayaa ansixinaya 18ka murashax ka dibna u gudbinaya Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  3. Marka loo soo gudbiyo 18ka murashax, Baarlamaanka Federaalka wuxuu ku ansixinayaa cod hal dheeri ah oo gacan taag ah.
  4. Hadii hal murashax ama ka badan la ogolaan waayo, Golaha Wasiirrada waa in ay soo beddelaan xubinta ama xubnaha la oggolaan waayay muddo toddobo (7) maalin shaqo gudahood una soo gudbiyaan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si waajibaadkiisa uga guto.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku meelmarinaya xeer Madaxweyne kadib ansixinta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 8aad: Shuruudaha Xubinnimada Guddiga

  1. Si waafaqsan Qodobka 58aad ee Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:
  2. In uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  3. In uu haysto Shahaada Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay;
  4. In Da’diisu aysan ka yarayn 35 sano;
  5. Dhimirkiisu dhan yahay;
  6. In uu leeyahay ugu yaraan toban (10) sano waayo aragnimo maamul ama sharci; iyo
  7. In uu bulshada ku dhex leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan.
  8. Xubinnimada Guddiga looma magacaabi karo:
  9. Qof ka tirsan Xisbi siyaadadeed;
  10. Qof ay maxkamadi ku ridday xukun kama danbays ah oo ay ciqaabtiisu gaarsiisan tahay Shan (5) sano;
  11. Qof kasta oo xil Dawladeed ka haya Hay`adaha Dawladda ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed xilliga magacaabista iyo lixdii (6) bilood ee ka horraysay wakhtiga magacaabista; iyo
  12. Qof kasta oo ay ka mamnuucaan Xeerarka JFS.

Qodobka 9aad: Waayidda Xubinnimada Guddiga

  1. Xubnaha Guddigu waxay xilkooda ku waayi karaan oo kaliya sababaha soo socda si waafaqsan Qodobka 59aad ee Dastuurka: –
  2. Geeri;
  3. Istiqaalad qoraal ah oo uu u gudbiyey Guddiga lagana aqbalo;
  4. Xil gudasho la’aan joogta ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsan yahay;
  5. Xukun ciqaabeed oo ay maxkamad awood u leh si kama dambeys ah ugu riddo;
  6. Aqbalaadda xil kale ee Dawladeed;
  7. Muddada xil haynta oo dhammaata;
  8. Xubinta jabisa xeerka hab-dhaqanka ee shaqo wanaaga;
  9. Xubintu sabab la’aan uga maqnaato shan (5) fadhi oo xiriir ah uu Guddigu yeeshay; ama
  10. Jabinta xeerarka kale oo lagu xuso Xeerkan dhexdiisa ama xeerarka kale ee JFS.
  11. Guddigu wuxuu xil ka qaadista xubinnimada ku sameyn karaa xubin ka mid ah xubnaha Guddiga si waafaqsan Faqradda (1) (c, g iyo h) ee qodobkan, marka ay isku raacaan aqlabiyadda cod seddex meelood labo meel (2/3) ee xubnaha guud ee Guddiga.
  12. Xubinta Guddiga ee xilka looga qaaday si waafaqsan Faqradda (2) ee qodobkan, waxay xaq u yeelanaysaa in ay go`aanka Guddiga uga cabato Maxkamadda awooda u leh ee heer Federaal muddo 30 maalmood gudahood oo ka billaabmata maalinta uu go’aanka Guddiga soo baxo, waxayna sii lahaaneysaa xuquuqaha ku xusan Qodobka 23aad ee Xeerkan inta Maxkamaddu ka gaarayso go`aan kama dambays ah. 
  13. Marka ay bannaanaato xilka xubin ka mid ah xubnaha Guddiga waxaa lagu buuxinayaa  si waafaqsan qodobka 7aad ee Xeerkan.

About The Author