Sawirro: RW Xasme oo u safray Dooxa ee dalka Qatar

21 July 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeybgali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

About The Author