Joe Biden oo ku dhawaaqay inuu ka haray doorashada Mareykanka

21 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Isla markaana inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Joe Biden  ayaa waxa uu taageeray inay Musharaxa Xisbiga noqoto ku-xigeenkiisa Kamala Harris qoraal uu isna soo dhigay X.

Biden ayaa ah iminka 81 jir ah waxaana xubno badan oo Xisbigiisa ka tirsan ay ka dalbanayeen inuu ka haro tartanka maadaama uusan ka bixi karin da ahaan.

About The Author