FAALO-dhagayso: Miisaaniyadda Puntland ee Dib u eegista Baarlamaanku ku sameeyey
8 july 2015 (Puntlandes) Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa usoo gudbisay Baarlamaanka Puntland dib u eegid ay ku samaysay Miisaaniyaddii 2015 ka ee uu Baarlamaanku hore u ansixiyey. Taasoo ay dawladda Puntland ku soo darsatay lacag gaaraysa 23 miljan oo doolar oo ay ku sheegay inay ka helayso Bangiga Aduunka oo ka kabaya Mushahaaraadka Shaqaalaha, Halkankan ka akhriso qoraaladdii ay Warbaahinta Puntlandes hore uga qortay Miisaaniyadda Puntland ee 2015 ka.
Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey dabayaaqadii sanadkii hore Miisaaniyad dhan 72 miljan oo doolar lacagtaas oo ay ku jirtay 23 miljan oo ay sheegeen inay ka heli doonaan Bangiga Aduunka, waana taas mida keentay inay dib ugu noqdaan.
Miisaaniyadi waa Odoras laakiin kan dawladi maaha inuu sidaas oo kale noqdo, waxa kaliya ee ay Xukuumdda Gaas ka lahaydna waa inay qalado shacabka reer Puntlanfd si ay u dhahaan wax baan soo kordhinay. Xukuumada GAAS waxay ku guuldaraysatay inay bixiso Mushahaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada Difaaca Puntland. waxay kaloo ku guuldaraysatay bixinta adeegyadii Bulshada loo qaban jiray.
Miisaaniyadda uu Baarlamaanka Puntland maanta uu dib u eegida ku sameeyey
Maanta ayaa Baarlamaanka Puntland waxa uu ansixiyey dib u eegid ay ku samaysay Miisaaniyadda july-december ee sanadkan kaasoo lagu sheegay in markan la isku dheeli tiray Dakhliga iyo Qarashaka oo noqonaya lixda bilood e eka hartay sanadkan 29.5 miljan doolar., waxayna kala yihiin:
Miisaaniyadda Puntland ee july – december 2015
Dakhliga july-dec 2015
Nooca dakhliga Lacagta $
- Carshuurta ganacsiga Caalamiga ah 15 919 758
- Canshuurta Alaabta iyo Adeega 6 089 958
- Deeqda Caalamka Bangiga Aduunka 4 850 000
- Dakhliga kale 1 856 729
- Canshuurta Mushahaarka Shaqaalaha 803 000
- Isu gayn 29 519 445
Qarashka july-dec 2015
Nooca Qarashka Lacagta $
- Mushahaar iyo Guno 13 572 321
- Qarakhka kala duwan 9 202 256
- Alaabta iyo Adeega 4 541 648
- Qarakhka Horumarineed 2 083 975
- Qarakhka lama filaanka 120 000
- Isu gayn 29 520 200
Dakhliga
Wali waxaa ku jira Miisaaniyaddan cusub lacag dhan 4.8 miljan oo doolar oo ka imaanaysa Bangiga Aduunka taasoo noqonaysa 808 kun bishiiba ahna boqolkiiba 14.4% marka la eego Miisaaniyadda guud. Dawladda ma sharxin in Heshhisku dhacay oo Bangiga Aduunka ogolaaday iyo inay sidii hore oo kale tahay oo ay dib u eegid ku samayn doonaan. Dawlladdu waxay kaloo sheegtay in Canshuurta Shaqaalaha ay ka soo galiso 0.8 miljan oo u dhianta 134 kun bishiiba, ahna boqolkiiba 2.7%% marka la eego Miisaaniyadda guud. Waxaa iswaydiin ah haddiiba aysan dawladda GAAS Mushahaar bixin sidee ayey ku helaysaa Canshuurtan?
Dakhliga ugu badan ee soo galaya dawldda ayaa lagu sheegay Canshuurta Ganacsiga Caalamiga ah oo ay ka soo galayso ku dhawaad 16 miljan oo doolar taasoo u dhiganta 2.7 miljan bishiiba ahna boqolkiiba 53.9% marka la eego Miisaaniyadda guud, lagamana bixin sharaxaad dheeraad ah. Booska labaad waxaa ku jira Canshuurta Alaabta iyo Adeega oo ay ka soo xaroon doonto lacag dhan 6 miljan oo doolar taasoo u dhiganta 1 miljan bishiiba ahna boqolkiiba 20.6% marka la eego Miisaaniyadda guud.
Qarashaka
Mushahaarooyin iyo guno waxaa lagu sheegay inay ku baxayso 13.6 miljan oo doolar taasoo u dhiganta 2.3 miljan bishiiba ahna boqolkiiba 46% marka la eego Miisaaniyadda guud.
Alaabta iyo Adeega ayaa waxaa ku baxay 4.5 mijan oo u dhiganta 80000 bishiiba, lagama bixin sharaxaad dheeraad ah ahna boqolkiiba 15.4% marka la eego Miisaaniyadda guud.
Qarashka ku xiga Mushahaarooyinka ayaa ah wax loogu yeeray Qarakhka kala duwan oo ay ku bixi doonto 9.2 miljan oo u dhiganta 1.5 miljan bishiiba ahna boqolkiiba 31.2% marka la eego Miisaaniyadda guud. Dawladdu ma sharxin lacagtaas faraha badan waxay ku bixi doonto oo faahfaahsan. Halkaan waxaad moodaa in lagu qarinayo wax….
Qarakhka lama filaanka ayaan dawladdu u qoondayn lacag macquul ah iyadoo ku u qoondaysay 120000 kaliya, halkan waxay ahayd inuu Baarlamaanku wax ka badalo maadaama aysam macquul ahayn in dawlad dhan Qarakhkeda lama filaanka ah loo qoondeeyo lacag sidaas u yar ah boqolkiiba 0.4% marka la eego Miisaaniyadda guud.
Dawladda GAAS uu ku faani jirtay Horumarin iyo waxqabad waxay u qoondaysay Qarakhka Horumarineed 2.08 miljan doolar oo u dhiganta 347000 bilshiiba ahna boqolkiiba 7.1%% marka la eego Miisaaniyadda guud. Waa wax laga xishoodo inay Xukuumadda GAAS la soo shir tagto lacag gaaraysa 30o kun bishi inay ku Horumarin doonto Puntland oo dhan CAJIIB!!!
Dhagayso
Puntlandes.com