Wariye Cali-Nuur oo Booliska DFS sheegeen inay uxireen Anshax xumo

22 July 2024 (Puntlandes.com) Waxaa caawa ay sheegeen Booliska Dawladda ederaalku inay u xireen anshax xumo Wariye Cali-Nuur Salaad Xasan oo ahaa dadkii udub dhexaadka u ahaa Ololihii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Doorashadii 2022.

Wariye Cali-Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed u fin jiray waxyaalaha madmadowgu ku jiraan taas oo ay dhibsatay DFS kuna eedaysay wariyaha inay u xirtauy anshax xumo. Iyagoo doonaya inay shacabka marin habaabiyaan.

DFS ayaa si ula kac ah waxay isugu dartay wariyaha xarig iyo sumcad dil, sharafkiisa, xirfadiisa wax u dhimaya.

Dhawaanahaan Ciidan Booliska DFS ayaa anshax xumo dad kala duwan u xiray, kuwaas oo meel uga dhacay dhaqanka iyo diinteena suuban.

About The Author