Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo Joojiyey Boobka & Ku xadgudubka Dhulalka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

22 July 2024 (Puntlandes.com) Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo masuul ka ah Difaaca Hantida Dawladda iyo daryeelka dhammaan danta caamka ah, ayaa waxaa uu digniin kasoo saaray xog xaqiijineysa in boob lagu hayo dhulalka Danta-guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku leedahay Degmada Hodon.

Dhulalka ayaa kala ah Xaruntii Jiifka Ardayda, Xaruntii Kulliyadda Siyaasadda iyo Saxaafadda iyo Xaruntii Kulliyadda Caafimaadka ee kasoo horjeeda Cisbitaalka Erdogen- Ex-digfeer, oo dhamaantood dad shacab ahi isku dayayaan in ay ku milkiyaan sifo sharci darro ah.

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa tan iyo markuu xilka la wareegay 15 maajo 2022kii waxa uu wadaa Xaraashka dhulka danta guud ee ay dawladdu shacabka ugu adeegi jirtay inatysan burburin 1991kii.

About The Author