Gaas ma Puntland baa waajibkiisu yahay inuu badbaadiyo mise DFS?

1995

8 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynha Puntland ayaa isagoo khiyaanaynaya Shacab waynaha Puntland oo ka hor yimid DFS oo Dastuurkii ku tumatay meeshana ka saartay hanaankii Federaalka ee lagu soo Heshiiyey waxa uu la soo baxay isku day uu dadka aragtidooda ku weecinayo taasoo ah “waxaan badbaadinayaa Soomaaliya” iyo shekooyin Raqiis ah oo aan ka suurtoobay Xamar.

Saxaafada taageerta GAAS ayaa waxay sheegaysay labadii cisho ee u dambeeyey in Gaas ku mashquulsan yahay badbaadinta DFS iyadoo la isticmaalayo ka yeeli mayno niman ay 10 bilood u harsan tahay inay Soomaaliya iyo dawladnimadeeda carqaladeeyaan!!

Waxa uu Gaas ku casuumay Garowe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku soo fool leh Caasimada Puntland ee Garowe si ay uga wada tashtaan Badbaadinta Soomaaliya, waa sida ay la tahaye. Sida ay daabaceen Saxaafada taageerta Gaas wada tashigu waa Badbaadinta Soomaaliya! oo aan ahayn wax shaqaynaya dulucdeeduna uu ku soo ururi doono “Shimbirayahow Heesa Hees wanaagsan heesa ..” wax ay badbaadin karaan ma jirto GAAS iyo Axmed Madoobe haday yihiin madax wax badbaadin karta midna Baarlamaankiisii (Axmed Madoob) oo sharci ku dhisan Xasan Sheekh iyo Xertiisu maalin cad ma dheheen waanu kala dirnay? Midka kalena (GAAS) maalin cad lama qaateen Gobol dhan oo ka mid ah Puntland gaar ahaana ah gobolkuu ka soo jeeday ee Mudug.

Waxaaba taas sii dheer iyadoo Sool, Sanaag iyo Cayn ay DFS sheegtay inay ku darayso Somaliland!! CAJIIB muxuu GAAS badbaadin karaa? Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa “Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dari kara” nin Gobolkiisa maalin cad la BOOBAY indhihiisoo shan ah muxuu qaban karaa?

Xasan Sheekh uma baahna GAAS iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Dastuur ma yaqaanaan mana aqoonsana Dastuurkay u dhaarteen Puntland oo ah dawladda kaliya ee xubin ka ah Federaalka Soomaaliyana waxay ka hoos martay Koonfur Galbeedka Shariif Xasan waxaana sabab u ah JILEECA iyo maamul xumadda GAAS oo maanta Puntland maqaamkii ay ku lahayd Soomaaliya iyo Beesha Caalamka meesha waa ka baxay.

Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay haystaan maamuladda Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirran iyo Shabeelaha Dhexe oo soo socda umana baahna GAAS iyo Axmed Madoobe loona joojin mayo, Runtiina meel ayey ku ogaadeen nimanka caana ma daadshayaasha ah.

Gaas ma Puntland baa waajibkiisu yahay inuu badbaadiyo mise DFS

Gabagabadii Gaas ma Puntland baa waajibkiisu yahay inuu badbaadiyo mise DFS? iska dhaaf reer Puntland e qof kasta ayaa og waxa uu waajibkiisa koowaad yahay inay tahay Puntland badbaadinteeda iyo ilaalinta danaha dadka iyo dalka Puntland. Waa su’aale haddi Puntland waxa burburinayaa ay tahay DFS GAAS ma badbaadin karaa DFS? Cajiib jawaabtu waa maya ma nin ku burburinayaad adigu isaga badbaadin kartaa, soow inaad adigu isbadbaadiso oo aad difaac gasho maaha?

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay wax ka waydiisay hab dhaqanka madaxweyne Gaas Oday reer Mudug ah wuxuuna ka bixiyey jawaab kooban oo ah “adeer GAAS cad bisil ma kala gayn karo” isagoo ula jeeda inuu aad u jilicsan yahay GAAS!! uusana laahyn go’aan qaadasho hogaamineed iyo karti wax lagu kala gayn karo.

Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan waxayna maanta joogtaa meel ay adag tahay inay ka badbaado maxaa yeelay GAAS ayaa Hogaanka u haya!!

Puntlandes.com

 

About The Author