Sawirro: Shirweynaha maalgashadayaasha mashaariicda shirkadda Wadaagsan oo ka furmay Gaalkacyo

25 July 2024 (Puntlandes.com) Shirweynaha maalgashadayaasha mashaariicda isku-tashiga ah ee ay maamusho shirkadda Wadaagsan ayaa maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isagoo socon doona muddo shan cisho ah.

Shirkadda Wadaagsan ayaa gacanta ku heysa dhismaha dekedda Garacad, waddada isku xirta Garacad, Gaalkacyo iyo kastamka Tuur-dibi ee degmada Galdogob, iyadoo inta uu socdo shirkaan lagu soo bandhigo xisaab celin, waxyaabihii hirgelay iyo qorshayayaasha horumarinta leh si loo dardar geliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada.

Wadaagsan, ayaa noqotay shirkaddii u horreysay ee Soomaaliya si isku-tashi ah u fulisay mashaariic boqollaal milyan oo dollar ah oo ka yimid ganacsatada iyo bulshada, iyagoo gudaha dalka iyo dunidda u muujiyay sida ay bulshada Soomaaliyeed hab isku-tashi ah ku gaari karaan mashaariic horumarineed, waxayna shirkadan si tayo leh oo daahfuran u waddaa labada mashruuc ee ugu weyn dalka oo ay dadweynaha dhaqaalahooda ku bixinayaan ee dekedda iyo waddada la filayo mustaqbalka inay wax ka beddesho dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya ee isku xiraysa gobollada dalka iyo Itoobiya.

About The Author