Maxay Beesha Caalmaku uga soo jawaabi wayday Cabashada GAAS ee Xudduuda Puntland?

2026a

8 july 2015 (Puntlandes) Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay tahay dawladda kaliya ee Sharciga ah buuxisayna dhamaan sharuudihii Dastuuriga ahaa isla markaasn ah dawladda kaliya ee ka ah xubin Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay ahayd awood jirta ayna ku qasbanayd DFS inay dhagaysato sidaas si ka sii heer saraysana ay Maqli jirtay Beesha Calamka. Jan 2014 kii markuu xilka la wareegay madaxweynaha iminka talada Puntland hayaa Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayuu wuxuu si aan qarsoodi ahayn u yiri sidii maxadweynihii iga horeeyey Saxaafada ka qaylin mayo iskuna taagi maayo dawlada Federaalka Soomaaliya isagoo meesha ka saaray Miisaankii ay Puntland ku lahayn Soomaaliya iyo Beesha Caalamka taasi waxay dhalisay inay DFS oo gacanta ugu jirta Koox qabiilaystayaal ah ay u gacan banaanaadaan Masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Gaas xataa waxa uu ka hadli waayey markay DFS sheegtay inay Gobolkiisa qaadanayso. Mar dambe ayuu wuxuu ku cataabay “ma dawladaan gacantayda ku dhisay baan dumin karaa” waxay la tahay inuu isagu dhisay umana jeedo tan uu madaxda ka yahay oo ummad dhami ay Masiirkooda ku aamintay.

Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “Ri walba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa” hadaba GAAS isagaa meesha is dhigay wuxuuna gaarsiiyey Puntland in Beesha Caalamku ugu hambalyayso DFS qaadashada Gobolka Mudug!!! CAJIIB.

Waxay Beesha Caalmaku uga soo jawaabi wayday Cabashada GAAS ee Xudduuda Puntland waa maqaamka GAAS iyo Puntland oo ah maamul aan mudnayn in loo jawaabo waxaana maanta loo jawaabayaa Shariif xasan iyo C/kariimka doonaya inuu Boobo dhul uusamn lahayn.

Puntlandes.com

About The Author