Wariye Cali Nuur Salaad oo xorriyadiisa dib u helay

27 July 2024 (Puntlandes.com) Wariye Cali-Nuur Salaad Xasan oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa magaalada Muqdisho ayaa goordhaw xorriyadiisa dib u helay kadib dadaalo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen bahda Saxaafadda.

Ciidanka Booliska ayaa wariye Cali-Nuur oo shacabka Soomaaliyeed u ifin jiray waxyaalaha madmadowgu ku jiraan taas oo ay DFS dhibsatay ku eedeeyey in loo xirtay anshax xumo.

About The Author