Sawirro: Wasiir-dowlaha Duulista hawada & Garoomada Puntland oo kormeeray garoonka diyaaradaha Abdillahi Yusuf ee Gaalkacyo

28 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiir-dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dawladda Puntland Siciid Maxamed Warsame Awaare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gabobe oo ay waheeliyan Masuuliyiin ka tirsaan Wasaaradda ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta safarka ku waheeliyey ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, Sida qaybta Runway-ga, Xafiisyada iyo qaybaha uu ka kooban yahay Garoonka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinka kale ayaa warbixin ka dhageystay sida uu u shaqeeyo Garoonka Magaalada Gaalkacyo iyo baahiya jira, Intaas kadib waxaa shir wada qatey Wasiirka iyo Mareeyaha Garoonka Gaalakcyo, Waxaayna Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ku bogaadiyeen shaqada garoonka sida ay ugu adeegan shaqalaha garoonka Bulshada reer Puntland.

About The Author