Sawirro: Imaaraadka oo Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka Visaha dalkaasi

28 July 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka Visaha dalkaasi, taas oo markii hore laga doonan jiray dalka dibadiisa.

Danjiraha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Rumeythi oo furay xarunta bixinta dal ku galka ayaa sheegay inay tani kamid tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, taas muwaadiniinta Soomaaliyeed ka qaadan doonaan visaha.

Tan ayaa noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horeeyay oo Imaaraadka ka furto Muqdisho tan iyo burburkii ka dib.

About The Author