Muuqaal: Burburin iyo Barakac oo lagu wado dadkii degenaa xaruntii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere

28 July 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Booliska dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bilaabay saaka Burburin iyo Barakac dadkii degenaa xaruntii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere.

Dadka ayaa ku waaberiistay Ciidamada dowladda ka tirsan kuwaa oo xalay saq dhexe lagu daadiyey waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa xaruntii Wasaaradda arimaha gudaha ee ku taalla degmada Boondheere.

Dhamaan waxaa xarin waddooyinka ka ag dhaw sidoo kale waxaa la xanibay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana gudaha ka socda burburin iyadoo dadkuna ay isku dayayaan inay alaabahooda ay goobtaas kala baxaan si ay uga badbaadaan waxyeelada burburinta.

Horay dowladda ayaa sidaan ii  kale waxay ka barakicisay dad danyar ahaa oo degenaa dhul ay dawladdu lahayn, iyadoo kadibna inta badana xaraashtay in kalena ay qaateen Qaraabada iyo saaxiibada madaxweyne xasan Sheekh.

Afhayeenka Booliska Ciidanka Booliska oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dadkii goobtaas degenaa ay si iskood ah uga guureen kadib markii ay dawladda ku wargelisay inay dhulka u baahan tahay.

About The Author