Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ku amray Safiirka Somalia u jooga Hindiya inuu deg deg ugu soo laabto dalka

28 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ku amray Safiirka Somalia u jooga Hindiya Danjire Axmed Cali Daahir inuu deg deg ugu soo laabto dalka.

Sababta dib loogu soo celiyey ayaa la xariirta in uu diblumaasi Soomaaliyeed Fadumo Maxamed Cabdi oo ahayd Xoghayaha 1aad ee safaarada Somalia ee Hindiya oo uu ku dacweeyey dawladda Hindiya isagoo ka been sheegay, halkan ka akhriso.

Axmed Cali Daahir ayaa dhawaan lagu eedeeyey, in uu warqad been abuur ah ka gudbiyey danjire Soomaaliyeed, uuna diiday in Qareen loo qabto Muwaadiniin kuxiran xabsiyada Hindiya.

About The Author