Muuqaal: Xil Mustaf Dhuxulow oo sheegay inuu MD Xasan Sheekh talada dhulka dhigo

29 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo warbaahinta kula hadlayey Muqdisho ayaa sheegay inuu Madaxweyne Xasan sheekh talada dhulka dhigo. Xildhibaanka ayaa xusay in labadii sano ee lasoo dhaafay talada si khaas ah loo siinayey, balse hadda la gaaray in talada bannaanka lagu siiyo.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow  ayaa yiri “Madaxaweyne masaajidka inta ka istaagtid dadka wacdi ha usoo dirin, adaa la rabaa in lagu wacdiyo, adaa la rabaa in lagu toosiyo, adaa la rabaa in tusaallooyin lagu siiyo, adaa la rabaa in wadaadadu talo ku siiyaane, dadka masaajidka haka wacdin”

Xil.Mustafe Dhuxuloow: “Gabar dhali weysey ayaa mar danbe 40 jir ku dhashay wiilyar, wiilkii yaraa ayey cidkasta u diidey markii danbe xabbad keeda ayuu ku dhintay – Haatan Madaxweyne Xasan Shiikh tala kasta isagaa keenaya, isagaa fulinaya, dalka ayuu xabbad kaaga ku dhiman ayaan leenahay.

About The Author