Hogaanka GAAS oo Puntland geeyey meel aad u hoosaysa!!
Tan iyo markii xilka madaxtinimada Puntland loo doortay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Puntland ku socotay wadada burburka iyo kala daadashada. Qaab dawladeedkii Puntland oo soo jiray mudada dheer ayaa hal mar meesha ka baxay iyadoo loo kala awood batay sida loo kala indho adag yahay. Waxaa ka dhacay waxaan horay Puntland usoo marin taasoo ah taliye diiday inuu xilka wareejiyo, lana goostay Ciidamadii iyo Hubkii dawlada isagoo Isbaaro dhigtay caasimadii dhamayd ee Puntland.
Amni xumada Puntland ku timid
Waxaa subax cad lagu laayey Caasimada Puntland ee Garowe Shaqaalihii UN ka ee Garowe ay xaruntoodu ahayd. Waxay Puntland noqotay meel aysan ku hoyan karin Shaqaalaha Ajanabiga ama UN ka sida Baydhabo. Ilaa hadda dawladda Puntland ma shaacin natiijada baaritaankii qaraxii lala eegtay shaqaalaha UN ka. Waxaa dagaalo joogto ah ay Kooxda Al Shabaab kusoo qaaday Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso. Waxaa dada badan lagu dilay Magaalooyin waa wayn sida Gaalkacyo iyo Bosaso.
Mushahaar la’aanta Shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland ku timid
Dakhliga dawladda usoo xaroon jiray ayaa aad kor loogu qaaday iyadoo Canshuur xataa lagu soo rogay ardaydii wax ka baran jirtay iskuulaadka Puntland oo awalba ay waalidiintood la daalaa dhacayeen bixinta lacagta Iskuulka. Laakiin nasiib daro waxaa waayey Mushahaarooyinkoodii shaqaalaha iyo Ciidamadda dawlada oo aan qaadan mudda badan oo ka mida intuu Gaas xilka madaxtinimada Puntland hayey.
Xaggee ku baxdaa canshuurta shacabka laga qaado
Canshuurta shacabka laga qaado waxay ku baxday Safaro xad dhaaf ah oo uu dalka dibadiisa Gaas ku aado. Safaro kale oo dal barasho ama dalxiis la oran karo oo uu Gaas gudaha Puntland ku sameeyey. Musuqmaasuq aad u baaxad wayn oo ay ugu wayn tahay Damaca Gaas ee 2016 ka uu doonayo inuu isku sharaxo kursiga Villa Somalia.
DFS oo iska maamulaysa Puntland kala jar-jaraysana
DFS waxay in muddo ah ka soo shaqaynaysay sidii ay dhulka Puntland u kala googoyn lahayd iyadoonba qarsan ayey waxay ku dhawaaqday 30 july 2014 inay Gobolka Mudug ee Puntland raacinayso maamul ay doonaysay inay dhisto.
Waxay kaloo ku dhawaaqday inay Gobolad Sool, Sanaag iyo Cayn ka jari doonto Puntland oo ku dari doonto Somalilannd ayna heshiisiin doonto waxa ay kala tabanayaan Somaliland iyo Goboladaas. Iyadoo iminkana Xamar ku haysa Prof Cali Khaliif Galayr oo u ololeeya in Puntland laga jaro Goboladaas, hoos ka daawo maqaamka ay siisay DFS Galayr.
DFS iyo maamulkii ay cadaado ku dhoodhoobay
DFS waxay usoo diyaarisay maamulkay Cadaado ka dhisaysay wax loogu yeeray Dastuur oo ay ku qoran tahay Xudduuda waqooyi ee maamulkaas inay noqon doonto Gobolka Nugaal.
Ugu dambayn waxay DFS ku dhoodhoobtay Cadaado wax ay ugu yeertay maamul ay Xudduudiisu tahay Gobolka Nugaal, waxayna 4tii july 2015 madaxweyne uga dhigtay Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Halkan ka akhri: Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey maamulka aan dastuurka waafaqsanayn ee ay DFS Cadaado ku dhoodhoobtay, Dhagayso: Madaxweynaha DFS ”Gaalkacyo say tahay maanta ma ahayn intaan Galmudug la dhisin”, Daawo Video: Madaxweyne Xasan ”Shirkii maamul samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud waa furan yahay”
Ma garbaa in Puntland dhulkeedii ay DFS muran geliso?
Maaha gar iyo wax la qaadan karo in Puntland dhulkeedii ay DFS muran geliso lagana dhigo Gobolka Mudug oo udub dhexaad u ahaa Puntland meel lagu muransan yahay!! Oo yaa ku muransan? C/kariim iyo Puntland!! CAJIIB
Boor isku qarinta Gaas ee uu iminka wado
Madaxweyne Cabdiwali waxa uu Puntland ku waday tan iyo markuu xilka la wareegay ”Qawda maqashii oo wax ha u qaban” iyo boor isku qarin ah marka ay dadku kacaan ayuu iska dhigaa nin wax qabanaya.
Beesha caalamku waa taageertay maamul ku sheega Cadaado Gaas na waa uu iska aamusnaa muddo sanad ku dhow. Waraaqdii uu Gaas soo saaray iyo qoraaladii ka horeeya labadii todobaad ee u dambeey hadduu soo saari lahaa agoosto 2014 beesha Caalamku ma taageerteen maamulkan wayna ka fiirsan lahayd. Laakiin maaha wax gar ah inuu hurdada ka kaco ”goor Xeero iyo Fandhaal kala dheceen” soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”ninkii seexdaa saci dibi dhalay” oo loola jeedo waa inuu qofku wax ka dhahaa marka wax la gorfaynayo ama la qaybsanayo.
DFS oo Dastuurkii jabisay laadayna Federaalkii
Hogaanka Gaas ee Puntland waxay keentay inay u gacan banaanaato DFS oo ay Koox yari maamusho masiirka ummada Soomaaliyeed maadaama ay Puntland meesha ka baxday.
Waxay DFS iska soo saartaa Xeerar iyo Guddiyo heer Federaal ah oo aan lagala tashan Puntland iyo maamulada xubnaha ka ah, hoos ka daawo Guddiga ay DFS ugu yeertay Guddiga Xudduudaha.
Puntland wuxuu Gaas ka yeelay wax aan jirin oo laga xukumo Villa Somalia, wax kasta oo Gaas iyo maamulkiisu shegaana DFS uma aragto wax miisaan leh oo wax u dhima kara maadaama ay meel ku ogaatay Gaas.
Shacabka Puntland oo kacay iyo Gaas oo khiyaanaynaya!
Shacabka Puntland ayaa aad ugu kacay DFS iyagoo uga soo horjeestay ku tumashada dastuurkii lagu heshiiyey, baabi’inta Federaalka, Sheegashada dhulka Puntland waxayna cod dheer dawladooda uga codsadeen in laga tashto dawlada Xamar.
Gaas oo u jeeda sida ay u keceen shacabka Puntland ayaa wada iminka qorshe uu ku Khiyaaneeyo shacabka Puntland maadaama uusan doonayn in xamar laga tashto.
Qorshaha Gaas ayaa ah in qoraalo uu soo saaro ku saabsay qaladaadka DFS iyo qadiyadda Mudug si uu shacabka isku tuso inuu dadaalayo. Waxaa kaloo u qorshaysan inuu ku doodo ma nimankan ay u hartay 10 bilood baan ka yeelaa inay Soomaaliya ku ciyaaraan? Ka yeeli mayno! Waxaana ka shaqaynaynaa sidii dalka looga yagleeli lahaa dawlad Federaalah. Durba Gaas waxa uu warkaas usoo dusiyey saxaafada taageerta.
Xalka Reer Puntland waa inay Aayahooda ka tashadaan
Xalka Reer Puntland wuxuu ku jiraa iminka inay faraha ka qaadaan dagaalka iyo muranka ka socda Xamar ayna Aayahooda ka tashadaan. Shacabka Puntland waa inaysan ku sirmin Khiyaanada uu Gaas wado maantana way ka dherersan yihiin inaan Xamar dawladnimo ka soo socon. Waxaad Xamar idiinka lumay 25 sano hadaana dagaal iyo muran koow yahay.
Puntland waxay jirtaa 17 sano mana ahan macquul in maanta la dhaho Muran baa u dhexeeya Puntland iyo Cadaado hana la fariisato C/kariim!! Oo waa waxa muranku ku saabsan yahay waa Gobolka Mudug!! Taas waxaa mas’uuliyadeeda qaadanaya madaxweynihii loo dhaarshay ilaalinta midnimada dadeed iyo tan dhuleed ee Puntland isagaana dayacay.
Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux