Madaxweynaha Turkiga oo khadka taleefoonka kula hadlay dhigi isa Soomaaliya

29 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhigisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay shaacisay Madaxtooyada Turkigu.

Madaxweyne Erdogaan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda Turkigu usiinaayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Qoraal kaso baxay Madxtoyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkiga uu sii wadayo dadaallada dhex dhexaadinta ah ee uu ku doonayo inuu ku xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey Ciidamo ilaaliya Maraakiibta Turkiga ee Shidaalka iyo Macdanta ka baaraysa badda Soomaaliya taas oo uu madaxweyne xasan Sheekh heshiis kula galay.

About The Author